Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ICC oo Madax Kenyan ah Dacwad ku soo Oogtay


ICC oo Madax Kenyan ah Dacwad ku soo Oogtay
ICC oo Madax Kenyan ah Dacwad ku soo Oogtay

Maxkamadda Dambiyada Dagaalka ee ICC ayaa magacowday madax ka tirsan siyaasiyiinta dalka Kenya oo ay ku eedeeysay dambi.

Maxkamadda Caalamiga ee dambiyada dagaalka ee ICC ayaa magacowday lix muwaadiniin Kenyan ah oo ay ku jiraan saraakiil sar sare oo looga shakiyay inay abaabulo ka geysteen rabshadihii ka dambeeyay doorashadii dalkaasi ee 2008-da.

Siyaasiyiinta la magacaabay waxaa ku jira wasiirka hawsha laga fariisiyey ee waxbarashada William Ruto, Wasiirka dhaqaalaha Uhuru Kenyatta iyo wasiirka warshadeynta Henery Kosgey.

Kuwa kale ee la magacaabay waxay kala yihiin, Taliyihii hore ee bileyska Maxamed Xuseen Cali, Agaasime Radio Joshua Arap Sang iyo xoghayn gole wasaaradeed Francis Krirmi Muthaura.

Dacwad oogaha ICC Luis Moreno-Ocampo ayaa sheegay inuu garyaqaanada ka codsaday inay soo saaraan amar ay ugu yeerayaan shakhsiyaadka la tuhmay. Garyaqaanada ayaa marka xigta go’aan ka gaari doona in la soo saarayo iyo inkale eedeeyn rasmi ah.

Ocambo ayaa sheegay in siyaasiyiintaasi la tuhmay lala xiriirinayo inay mas’uul ka yihiin deganaansho la’aantiika dhacday dalkaasi ee ay ku dhinteen dad gaarya 1,300 oo qof.

XS
SM
MD
LG