Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heerka sicir-bararka Turkey oo gaaray 78.6 boqolkiiba


Turkey Economy
Turkey Economy

Sicir-bararka dalka Turkiga ee bishii June ayaa gaaray 78.6 boqolkiiba -- taasi oo ah heerkii ugu sarreeyey muddo 24 sano ah, sida ay ku warrantay xog lasii daayey maanta oo Isniin ah.

Hase yeeshee qiyaas aan rasmi ah ahayn oo ay baahiyeen dhaqaalyahanno Turkish ah ayaa muujineysa in sare u kaca qiimaha ay laba jeer taas ka badan tahay.

Heerka sicir-bararka ee ay maanta shaacisay hay’adda tiro koobka Turkiga ayaa ah kii ugu sarreeyey tan iyo bishii Janaayo 1998-kii.

Heerak sicir-bararka ayaa bishii May ahaa 73.5 boqolkiiba, halka uu taagnaa 15 boqolkiiba sanadkii tegay.

Wasiirka Dhaqaalaha Nureddin Nebati ayaa Jimcihii wacad ku maray in qiimaha maciishadda ay billaabi doonaan inay hoos u dhacaan bisha December.

“Waxaan idinka iyo madaxweynaha idiin ballan-qaadayaa inaan arki doonno in sicir-bararka uu hoos u dhaco laga billaabo December,” ayey warbaahinta Turkey kasoo xigatay.

Sida lagu sheegay xogta rasmiga ah, sare u kaca sicir-bararka ayaa waxaa xoojiyey qiimaha gaadiidka oo sare u kacay 123.4 boqolkiiba iyo cabitaanada aan alkolada ahayn oo sare u kacay 94 boqolkiiba.

Xasaradda Turkey ayaa billaabay markii madaxweyne Erdogan uu ku qasbay Bankiga Dhexe inuu dhimo heerka dul-saarka sanadkii tegay, taasi oo uu sheegay inay qeyb ka tahay “hab cusub oo dhaqaale”.

Erdogan ayaa diiday xikmadda dhaqaale ee la isku raacsan yahay, wuxuuna ku adkeystay in kordhinta heerka dul-saarka uu sare u qaado qiimaha.

AFP

XS
SM
MD
LG