Baydhaba —
Xilli ay hay’adaha gargaarku ka digayaan inay Soomaaliya qarka u saran tahay macluul, ayaa dhinaca kale waxaa kordhaya carruurta nafaqa-darradu hayso ee la keenayo goobaha caafimaadka, waxaana hay'adaha gargaarkaagu ay qeylo-dhaab ka dirayaan musiibada macluusha.
Maxamed Nuur Cabdiraxmaan oo ah ku xigeenka wakiilka hay’adda gargaarka ee Save the Children ee maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubaland, ayaa Haaruun Macruuf uga warramay wararkii ugu dambeeyey ee abaarta iyo nafaqa-darrada carruurta.