Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Greece Oo Billowday Inay Daadgureyso Qaxootiga


Xerada Idomeni
Xerada Idomeni

Mas’uuliyiinta dalka Greece ayaa maanta billaabay inay daad gureeyaan qaxootiga aan rasmiga ah ee ku sugan magaalada Idomeni.

Ugu yaraan 400 oo saraakiil booliis ah ayaa loo diray xerada qaxootiga Idomeni oo hooy u ah 8,400 oo qof.

Mas’uuliyiiiinta Greece waxa ay xaqiijiyeen inaan awood loo adeegsan doonin daad gureynta qaxootiga.

“Illaa iyo iminka wax walba si wanaagsan bay u socdaan,” Waxaa sidaas VOA u sheegtay Christine Nikolaidou oo ah afhayeen u hadlay ururkka caalamiga ah ee muhaajiriinta (IOM)

“Waa run in ciidamo tiro badan ay joogaan Idomeni kuwaas oo diyaar u ah inay la tacaalaan haddii arrimo lama filaan ah ay dhacaan”.

Xerada qaxootiga Idomeni oo ah mid aan rasmi ahayn, ayaa ku taalla xuduudda dalka Macedonia, waxaana qaxootiga ku sugan mar ay gaareen in ka badan 12,000 oo qof.

Dowladda Macedonia ayaa xadkeeda ka xiratay dadka si aysan usoo gudbin.

XS
SM
MD
LG