Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Go'aano culus oo kasoo baxay shirkii Golaha Yurub ee Iceland


Hoggaamiyeyaasha Golaha Yurub ayaa soo geba-gabeeyay shirweyne hal maalin ahaa oo shalay oo Talaado ah ay ku yeesheen magaalada caasimadda ah ee Reykjavik ee dalka Iceland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xad-gudubyada aadane ee ka dhacay Ukraine, in Ruushka lagula xisaabtamo burburka uu ka gaystay Ukraine iyo qulqulka muhaajiriinta ee qaaradda Yurub.

Golahan oo ay ku midaysan yihiin 46 dal ayaa shirweynahan isugu yimid 18 sano kadib. Ruushka oo golahan horey uga tirsanaan jiray ayaa laga saaray kadib duulaankii uu ku qaaday Ukraine.

Hadaba Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa la xiriiray Cabdicasiis Aaadan Xasan oo bartay culuumta siyaasadda, falsafadda iyo dhaqaalaha, kuna sugan London ugu horreyna waxaa ka hadalayaa waxa shirkan kusoo beegay xiligan?

Go'aano culus oo kasoo baxay shirkii Golaha Yurub ee Iceland
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:24 0:00

XS
SM
MD
LG