Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gargaarkii ugu horreeyey oo gaaray gobolka Tigreyga kadib bilooyin uu go'doonsanaa


Gargaar Bini'aadanimo, Hay'adda WFP
Gargaar Bini'aadanimo, Hay'adda WFP

Kolonyadii ugu horraysay ee gargaar ah oo ay leedahay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa gaadhay dhulka ay ka arrimiyaan mucaaradka Tigreega ee la dagaalamaya dawladda Ethiopia, waana kolonyadii gargaar ee ugu horraysay ee dhulkaas gaadha tan iyo bishii December ee la soo dhaafay.

Hayadda Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobay ee WFP ayaa barteeda Twitterka ku baahisay, in kolonyada gargaarka u sidda dhulka Tigreegu, ay gaadhay deegaanada Canfarta maalinimadii Jimcaha, iyaga haatan u jihaystay dhinaca deegaanta Tigreega.

Kolonyadan ayaa sidda gargaar bini’aadanimo oo gaadhaya illaa 500 oo metric ton oo isugu jira cunto iyo kaalmooyin kala geddisan oo loogu talo galay in lagu samatabixiyo dadka saboolka ah ee qarka u saaran macaluusha.

Ururada u dhaqdhaqaaqa Xorriyaadka iyo hay’adaha samafalka ayaa ka digayey masiibooyin bini’aadanimo oo ka dhaca gobolka Tigrayga, ka dib markii bishii December ee la soo dhaafay, la hakiyey gargaarka bini’aadanimo ee gobolkaas gaadhaya, iyaga oo ugu baaqayey dawladda Ethiopia inay ogolaato in gargaar la geeyo gobolkaas, halkaas oo in ka badan 5 million oo qof ay saamaysay gaajo iyo cunto yaraan baahsani.

Madaxa xidhiidhka debedda ee Tigrayga, Getachew Reda, ayaa bartiisa twitterka ku xaqiijiyey in illaa labaatan gaadhi oo ay leedahay hay’adda WFP inay u soo tallaabeen deegaanada ay maamulaan.

Dhinaca kalena dawladda Ethiopia ayaa ku guuldaraysatay qorshe ay ku hor-istaagaysay in miisaaniyadda loo kordhiyo, guddi gaar ah oo baadhayey xadgudubyadii bini'aadanimo ee ka dhacay dalka Ethiopia oo la doonayey in wakhtiga loo kordhiyo. Warbixin amuurtaas ku saabsan waxaa innoo haysa Sahra Ciidle Nuur.

Warbixinta Gargaar Bini'aadanimo oo la gaadhsiiyey Gobolka Tigrey
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:08 0:00
XS
SM
MD
LG