Nairobi —
Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa horumar xooggan ka sameynaya dhanka ganacsiga, ayaga oo hadda ku biiraya ganacsiyo aysan markii hore ku badneyn.
Ganacsiga Soomaalida oo markii hore ku koobnaa xaafadaha ay Soomaalidu ka degan yihiin Nairobi ayaa hadda ku fidaya meelo kale oo magaalada ka mid ah, gaar ahaan ganacsiga Hoteellada casriga ah.
Wariyaha VOA-da Khadar Maxamud Xareed ayaa warbixintan kasoo diray Nairobi.