Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ganacsatada Soomaalida ee daneeya suuqa Online-ka oo soo badanaya


Ganacsatada Online-ka
Ganacsatada Online-ka

Shirkadaha ganacsiga ee ku shaqeeya suuqa Online-ka ee Internet-ka, gaar ahaanna kuwa Soomaalida ayaa sanadihii lasoo dhaafay kusoo banadayay Suuqan.

Shirkadahan oo fadhiggoodu uu yahay waddamada Reer Galbeedka ayaa xoogga saaraya sidii ay macaamiil kala duwan ay uga heli lahaayeen Ggeeska Afrika.

Ganacsatadaasi waxaa kamid ah Ifraax Sucdi Xassan, oo ka tirsan shirkadda Opulence oo ah shirkad suuqa online-ka ku iibisa alaabaha la isku carfio iyo daawooyinka, islamarkaana fadhiggeedu uu yahay dalka Canada.

Ifraax ayaa muhiimadda suuqan uu Soomaalida Geeska Afrika u leeyahay uga warrantay Wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.

Ganacsatada Soomaalida ee daneeya suuqa Online-ka oo soo badanaya
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:39 0:00

XS
SM
MD
LG