War Deg-Deg ah

Ganacsatada Islii oo rajo ka qaba in Ruto xallin karo caqabadaha ka heysta hay'adda canshuuraha

Islii
Islii

Ganacsatada Soomaalida ee suuqa Islii ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in tilaabooyinka uu madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto uu ku doonayo inuu wax uga qabto caqabadaha haysta ganacsiga waddankaasi ay yihiin kuwo meesha ka saari doona caqabadihii ganacsatada ka haysatay hay’adaha canshuurta.

Ganacsatada Soomaalida Kenya ayaa kamid ah ganacsatada wadankaasi ee ganacsaiyada kala duwan ku leh wadankaasi, kuwaasoo sanadihi lasoo dhaafay wajahayay culeys uga imaanayay dhanka dowladda Kenya. Cumar Ibraahim Xusein oo ah Xog-hayaha guddiga Ganacsatada Suuqa Eastleigh ayaa waxa ay ka filayaan dowladda cusub ee Madaxweyne William Ruto uga warramay Wariyaha VOA-da ee Naiorbi, Khadar Maxamuud Xareed.

Ganacsatada Islii.mp3
Embed

No media source currently available

XS
SM
MD
LG