Labo gabdhood oo ka mid ahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku noolaa dalka Ukraine ayaa noqonaya Soomaalidii ugu dambeysay ee laga soo daad-gureeyay dalkaasi, sida uu VOA-da u sheegay safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Danjireb Yoonis Yaasiin Xaashi oo hadda ku sugan dalka Poland lana kulmay gabdhahaasi.
Wariyaha VOA-da ee Yurub Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayuu u warramay danjiraha.