Magaalada Washington DC ee xarunta Mareykanka waxa shalay lagu xirey xubno xildhibaanno ah oo gaaraya 16, kuwaas oo ka mid ahaa dad ku muddaaharaadayay iridka hore ee Maxkamadda Sare ee Mareykanka.
Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa toddobaadyo ka hor dib uga laabatay sharci ahaanshiyaha in haweenku ay ilmaha iska soo ridi karaan haddii ay doonaan.
Dadka la xirey ee arrintaasi go'aanka Maxkamadda dhaleeceynayay waxa ka mid ahaa Ilhaan Cumar oo laga soo doorto degmada shanaad ee gobolka Minnesota, kuwaas oo lagu eedeyay inay jareen waddada oo ay gaadiidka iyo dadku isticmaalayeen.
Haddaba waa maxay sababta keentay muddaaharaadkan xildhibaannada iyo go'aanka maxkamadda ee ay dib uga laabatay sharci ahaanshiyaha in haweenku ay ilmaha iska soo ridi karaan haddii ay doonaan.
Su'aalahaasi iyo kuwa kale ayaa waxa uu Jamaal Axmed Cismaan hor dhigay aqoonyahan Maxamed Xuseen oo ka faallooda arrimaha siyaasadda iyo bulshada, deganna Mareykanka.