War Deg-Deg ah

Falanqeyn: Sidee Xisbiga Jamhuuriga u arkaa dacwadaha Trump?

Donald Trump oo haatan da’diisu ay tahay 76 jir, ayaa ka mida musharraxiinta ugu cadcad ee madaxtinimada Xisbiga Jamhuuriga ee sannadka soo socda. Hase ahaatee, haatan waxaa lagu soo oogay ilaa 37 dacwadood oo heer Federaal ah.

Taageerayaasha Xisbiga Jamhuuriga ayaa aragtiyo kala duwan ka qaba, dacwadaha lagu soo oogay Donald Trump iyo saamaynta ay ku yeelan karaan olohiisa uu ka dhex wado xisbiga Jamhuuriga.

Haddaba sidee arrintani ay u saamaynaysaa tartanka Donald Trump iyo weliba guud ahaan in Xisbiga Jamhuurigu uu guul ka soo hooyo doorashada madaxtinimada ee sannadka dambe? Su’aalahaas iyo qaar kale ayaa Ismaaciil Xuseen Farjar wuxuu hordhigay, Faysal Deri oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Aragtida Jamhuuriga ee dacwadda Jamhuuriga.m4a

No media source currently available

XS
SM
MD
LG