Dalka Sacuudi Carabiya waxa lagu soo gaba gabeeyay shir madaxeedkii dalalka Islaamka iyo Carabta, kaas oo ay kaga arrinsanayeen arrimaha ka taagan magaalada Qaza. Shirarkan ayaa isku raacay inay cambaareeyaan weerarka, isla markaana Israel ugu yeeray inay duullaanka joojiso.
Waxa kale oo uu shirku sameeyay sanduuq dib loogu dhisayo Qaza.
Haddaba, waxa shirkaasi ka soo baxay iyo ahmiyadda uu u lahaan karo reer Qaza ayuu Jamaal Axmed Cismaan ka wareystay Maxamed Biixi oo ka faallooda arrimaha bariga dhexe.
Madal