Dowladda Ethiopia iyo jabhadda ONLF garabka uu hoggaamiyo Eng. Salaaxudiin Macow ayaa maanta heshiis nabadeed ku saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.
Guddoomiye-ku-xigeenka ONLF ee garabka Salaxudiin, Maxamed Faarax Colow ayaa VOA u sheegay in qodobada lagu heshiiyay ay ku jiraan in cafis loo fidiyo dhamaan dadka ka tirsan ururka ONLF iyo in la sii daayo maxaabiis ka tirsan ONLF oo ku xidhan xabsiyada dalka Ethiopia.
Dhinaca kalena, C/qaadir Xassan Hirmooge oo ah guddoomiye-kuxigeenka garabka kale ee ONLF, ayaa wareysi uu siiyay VOA isagoo kusugan dalka Austraila, wuxuu gaashaanka ku dhuftay heshiiska lagu saxiixay Addis-Ababa. Hirmooge wuxuu sheegay in ONLF aysan matalin Eng. Salaaxudiin, wuxuuna hoosta ka xariiqay in jabhadooda ay wadi doonto dagaalka ay kula jirto dowladda Ethiopia.
Wareysiga labada guddoomiye-kuxigeen ee garabyada ONLF, qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.