Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sweden iyo Finland oo codsaday inay la kulmaan Erdogan kahor shirka NATO


Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa ka qeyb gali doona kulan wadahadal ah oo uu la yeelan doono hoggaamiyayaasha Sweden iyo Finland iyo sidoo kale NATO maalinta Talaadada ah kahor shir madaxeedka Madrid, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Turkiga Ibrahim Kalin Axaddii.

Finland iyo Sweden ayaa codsadeen xubinnimada NATO si ay uga jawaabaan duullaanka Ruushka ee Ukraine. Balse codsigooda ayaa waxaa kasoo horjeestay Turkiga oo ka carooday wax uu ku sheegay taageerada Helsinki iyo Stockholm ay siiyaan maleeshiyaadka Kurdiyiinta iyo cunaqabateynta hubka ee saaran Ankara.

Isagoo la hadlayay idaacada Haberturk, ayuu Kalin sheegay in isaga iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Sedat Onal ay sidoo kale ka qeyb gali doonaan wareeg wadahadal ah oo ay la yeelan doonaan wufuud ka kala socota Sweden iyo Finland oo ka dhacaya Brussels maalinta oo Isniinta.

“Waxaa magaalada Madrid ka dhici doona shir madaxeed afar geesood ah oo heer hoggaamiye ah kadib codsi ka yimid xoghayaha guud ee NATO oo uu ka soo qeyb galaayo madaxweynaheennu” ayuu yiri. Kalin

Kalin ayaa sheegay inay wahadalladan aysan micnahoodu aheyn in Turkigu dib uga laabanaayo mowqifkoodii hore ee diidmada ahaa, laakiin wuxuu sheegay inTurkiga iyo dalalka Waqooyiga Yurub ay si weyn ugu afgarteen arrimaha qaarkood.

XS
SM
MD
LG