Abu Dhabi —
Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Turkiga ayaa wada dadaalo lagu doonayo xiriir dhaqaale oo dhex mara labada dal oo muddo sanado ah ay ka dhaxeysay xifaaltan iyo loolan adag.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shalay booqasho arrintaa la xiriirta ku gaaray dalka Imaaraadka Carabta, taasi oo muujisay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka labada dal.
Warbixintan waxaa magaalada Qaahira kasoo diray weriyaha VOA Xuseen Cusmaan Saxnuuni.