Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Tanzania oo beenisay in amni xumo ka jirto dalkeeda


Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan.
Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan.

Dowladda Tanzania ayaa beenisay in dalkeeda ay ka jiraan qalalaase amni iyo dhaqdhaqaayo aragagixiso, iyada oo muwaadiniinteeda iyo ajaanibtaba ugu u sheegtay in aaney jirin amni darro, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

"Dowladda Tanzania waxay si weyn walaac uga muujisay eedeymaha been abuurka ah ee ay faafiyeen qaar ka mid ah hay’adaha shisheeye ee ku aaddan in Tanzania ay ka jiraan kacdoon shacab." ayaa lagu yiri bayaanka dowladda oo intaa raaciyay.

"Waxaan u xaqiijineynaa dhammaan safaaradaha, hay'adaha caalamiga ah, shirkadaha, hay'adaha, ajaanibta iyo guud ahaan dadweynaha in dhulka Tanzina uu yahay mid ammaan ah oo aysan ka dhicin kacdoon shacab ama weerarro argagixiso. Hay'adahayagu waxay sii wadi doonaan feejignaan si ay u sugaan ammaanka, una ilaaliyaan dadka iyo hantidooda."

Bayaanka dowladda Tanznia ayaa imanaya afar maalmood kadib markii safaaradda Mareykanka ee magaalada Dar es Salaam ay ka digtay suurtagalnimada weerarro argagixiso oo ka dhaca Tanzania, iyadoo uga digtay muwaadiniinta Mareykanka ah inay ka fogaadaan meelaha ay dadku iskugu yimaadaan sida maqaayadaha, suuqyada iyo goobaha dalxiiska.

"Kooxaha argagixisadu waxay digniin la'aan weerar la beegsan karaan hoteellada, safaaradaha, maqaayadaha, suuqyada, saldhigyada booliiska, masaajidda iyo meelaha kale ee ay tagaan dadka reer galbeedka ah" ayaa lagu yiri digniinta kasoo baxday safaarada Mareykanka.

XS
SM
MD
LG