Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 20 al-Shababa ah in lagu dilay kadib weerar ay maleeshiyaadkaasi saakay kusoo qaadeen saldhigga ciidamada dawladda ee Awdheegle.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadu ay ka horgateen weerarkaas, khasaare bandanna loo gaystay. Muuqaal aan weli si madaxbannana loo xaqiijin ayaa muujinaya maydka dad la sheegya inay yihiin al-Shabaab oo lagu dilay weerarka.
Dhinaca kale maleehsiyaadka al-Shabaab ayaa sheegay inay qaadeen weerareen saldhigga, isla markaana ay dileen 59 ka tirsan ciidamada dawladda. Tirooyinka dhimashada ayaan si madaxbannana loo xaqiijin.
Awdheegle ayaa ka mid ah magaalooyinka muhiim ah ee ku yaalla webiga Shabelle ee ay gacanta ku hayana ciidamada dawladda.
Haaruun Macruuf ayaa faahfaahinta weerarkan ka waraystay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Ibraahim Barre.
Madal