Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Chad oo amartay ciidamo deg deg loo geeyo N'djamena


Dowladda Chad ayaa amar ku bixisay in si degdeg ah loo geeyo ciidamo nabadda ilaaliya, gaar ahaan caasimadda N'djamena.

Arrintan ayaa imanaysa ka dib markii natiijadii ku meel gaadhka ahayd ee doorashadii madaxtinimo ee 6-dii May si layaab leh loo shaaciyay habeenkii Khamiista ee xalay.

Natiijada horudhaca ah ayaa muujinaysa in hoggaamiyaha ku meel gaadhka ah General Mahamat Idriss Deby uu ku guulaystay 61% codadkii la dhiibtay.

Laakiin dhinaca kale Musharax ugu weyn ee la tartamayay, Mr. Success Masra, ayaa sheegtay inuu ku guuleystay, isagoo sheegtay inuu helay in ka badan 73% codadkii la dhiibtay.

Moki Edwin Kindzeka ayaa warbixintan ka soo dirtay Magaalada Yaounde ee dalka deriska la ah Chad ee Cameroon. Xuseen Barre Aadan ayaa inoo soo koobaya.

Dowladda Chad oo amartay ciidamo deg deg loo geeyo N'djamena
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:31 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG