Shacabka Kenya ayaa Talaadada berri ah u codeynaya in ay doortaan madaxweynihii bedeli lahaa Uhuru Kenyatta oo muddo toban sano ah xukunka hayay.
Tartanka aad ayaa la isugu dhow yahay waana macquul in markii u horreysay wareeg labaad oo doorasho ah la galo.
Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cadcad waa Raila Odinga, oo ah hogaamiyaha mucaaradka oo markii shanaad isku soo taagay qabashada xilka madaxtinimo, kaasi oo taageero ka helaya Kenyatta oo ay doorashooyinkii hore loollameen. Musharraxa kale ayaa William Ruto, ku xigeenka Kenyatta oo ay isaga iyo madaxweynaha ay xurgufi u dhaxeyso.
Labada musharrax ayaa doonaya in ay xoogga saaraan arrimaha gudaha, taasi oo su’aal gelineysa in ay raaci doonaan dadaalladii dublumaasiyadeed ee Kenyatta uu ku doonayay in uu ku dhimo colaadda dalka deriska ah ee Ethiopia amaba muranka u dhaxeeya Rwanda iyo Congo.
Haddaba maxaa la isku hayaa? Warbixin ay qortay wakaaladda wararka Associated Press waxaa noo haya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.
Nairobi —