Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dood Dhex Mari Doonta Siyaasiyiinta Britain


Dood Dhex Mari Doonta Siyaasiyiinta Britain
Dood Dhex Mari Doonta Siyaasiyiinta Britain

Markii Ugu horaysay taarikhda Britain waxaa Tilifishanka ku doodi doona madaxda Axsaabta u tartamayasa doorashada.

Saddexda hogaamiye ee axsaabta siyaasada ee wadanka Britain ayaa caawa oo Khamiis ah telefishanka ay ku dhex mari doontaa doodii ugu horaysay ee ay waligood telefishanka ku yeeshaan oo ku saabsan doorashooyinka guud ee ka dhci doona dalka britain bisha dambe ee may lixdeedda.

Dooddan ayaa la mid ah ta lagu yaqaano dalka Maraykanka waxaanay socon doonta muddo saacad iyo badh ah.

Dooddan caawa ka dhici doonta telefishanka oo ah tii ugu horaysay ee nooceedda ee waligeed ka dhacda dalkab Britain ayaa waxa ka qayb geli doona ra’iisal wasaaraha Britain Gordon Brown oo isla markaasna ah hogaamiyaha xisbiga labourka iyo hogaamiyaha xisbiga ugu wayn ee mucaaradka ah ee muxaafidka ah David Cameron iyo hogaamiyaha xisbiga kale ee Liberal Democratiska Nick Clegg.

Dooddan ayaa qayb ka ah sadex doodood oo dhex mari doona hogaamiyayaasha ilaa inta ka horaysa lixda bisha may ayaa waxaa ay ka dhici doontaa magaalada manchetster ee ku taalla badhtamaha wadanka Britain waxaana laga sii dayn doonaa telefishanka ITV-ga .

Saadaal lagu eegayay sida ay dadku u daawan doonaan dooddan caawa ayaa waxa lagu ogaaday in ay damacsan yihiin in ay doodan daawadaan ilaa sodon million oo qof.

Saddxeda xisbiba waxaa ay sheegeen in ay ku kalsoon yihiin kaalinta ay murashaxiintoodda jagada ra’iisal wasaarahu ay ka qaadan doonaan doodan caawa oo ay telefishanadu in muddo ahba u ololaynayeen ee laakiin intii imika ka horaysay ay ka dhaga adaygayeen hogaamiyayaasha sadexda xisbi.

Doorashadan ayaa waxaa loo arkaa in ay noqon doonto tii ugu ololaha waynayd ee uguna adkayd ee muddo dheer soo marta siyaasada wadankan Britain oo ay 13kii sanadood ee ugu dambeeyay ay sadex ggoor ku guulaysteen xisbiga labourka oo imikana doonaya in mar afraad la soo doorto,laakiin waxaa uu loolanka ugu wayni kaga imanayaa xisbiga muxaafidka ah oo iyagu ilaa labadii sanadood ee ugu dambeeyayba ku horeeyay saadaalaha lagu eegayay sida ay dadku u codayn doonaan.

XS
SM
MD
LG