Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarado maanta weeraray magaalada Moscow


Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone) ee Ukraine ayaa weeraray dhismooyin ku yaalla caasimadda Ruushka ee Moscow iyo bakhaar hub oo ku yaalla gobolka Crimea ee Ruushku ka goostay Ukraine, waxaa sidaas maanta sheegay saraakiisha Ruushka.

Ruushka ayaa sheegay inay soo rideen laba diyaarad oo soo galay hawada Moscow, ayada oo wax khasaare ah uusan dhicin.

Mid ka mid ah diyaaradaha ayaa ku dhacday meel u dhow xarunta wasaaradda difaaca Ruushka ee bartamaha Moscow, halka diyaaradda kale ay ku dhacday dhisme xafiisyo oo ku yaalla koonfurta Moscow.

Weerarada ayaa yimid maalin kadib markii Kyiv ay wacad ku martay “inay ka aargudaneyso” weerar gantaal oo Ruushka ay ku qaadeen dekedda Odesa ee Badda Madow.

Weriyayaasha wakaaladda wararka AFP, oo ku sugan meel u dhow goobta weerarka wasaaradda difaaca ka dhacay ee Komsomolsky Prospekt, ayaa sheegay inay arkeen laba dhisme oo fooqa uu khasaare ka gaaray.

"Waa fadeexad in diyaarad drone oo laga leeyahay dalka Ukraine ay ku dhawaatay wasaaradda gaashaandhigga," ayuu yiri Vladimir oo ah 70 jir degan Moscow.

Dhinaca Crimea, barasaabka ay Moscow magacowday Sergei Aksyonov ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay soo rideen 11 diyaaradaha drone-ka Ukraine ah.

Waxa uu sheegay in bakhaar hub “la weeraray,” halka guri shacabna ay “waxyeello soo gaartay,” isaga oo aan bixin faah-faahin intaas dheer.

Aksyonov ayaa sheegay in shacabka laga daadgureeyey xaafado u dhow bakhaarka hubka.

Crimea, oo uu Ruushka goostay 2014-kii, ayaa waxay bartilmaameed u aheyd Kyiv intii uu socday duulaanka Moscow ee Ukraine, hase yeeshee waxay toddobaadyadii dhowaa la kulmeysay weeraro sii kordhaya.

Kyiv ayaa marar badan sheegtay inay qorsheynayso inay dib u soo ceshato Crimea.

AFP

Madal

XS
SM
MD
LG