Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaaradda Ethiopian Airlines oo dib u bilaabaysa duulimaadyadii gobolka Tigray


FILE - Passengers board the Ethiopian Airlines plane at the Lalibela Airport in Lalibela town of the Amhara Region, Ethiopia, Jan. 27, 2022.
FILE - Passengers board the Ethiopian Airlines plane at the Lalibela Airport in Lalibela town of the Amhara Region, Ethiopia, Jan. 27, 2022.

Diyaaradda Ethiopian Airlines oo ah shirkadda ugu weyn ee dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay dib u bilaabi doonto duulimaadyadii maalinlaha ahaa ee ay ku tagi jirtay magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray, iyadoo la sii ambaqaadayo heshiis nabadeed oo ay garwadeen ka tahay Midowga Afrika.

Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa sheegtay inay duullimaadyo maalinle ah ay howlgalin doonto laga bilaabo Arbacada ayna kordhin doonto tirada duullimaadyada maalinlaha ah hadba baahida loo qabo.

Shirkadda ayaa hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay gobolka toddobaadyo ka dib markii uu dagaal ka dhex qarxay bishii Nofeembar 2020 ciidamada federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee TPLF.

Madaxweynaha shirkaddan, Mesfin Tasiou, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dib u soo celinta duullimaadyada ay ka caawin doonto qoysaska inay isku xirmaan marka laga soo tago fududeynta ganacsiga iyo dalxiiska.

Baaritaan uu sameeyay CNN sanadkii hore ayaa lagu eedeeyay diyaaradda Ethiopian Airlines in ay u soo daabushay ciidan iyo hub si ay ula dagaalanto fallaagada Tigrayga.

Ethioipan Airlines ayaa beenisay eedeymahaas.

Dib u bilaabashada duulimaadka ee lagu dhawaaqay ayaa imanaysa maalin uun kadib markii saraakiisha Itoobiya ay gaareen caasimadda Tigray ee Mekelle markii ugu horreysay muddo ku dhow laba sano, si loo fuliyo heshiiskii nabadeed ee November.

Guddoomiyaha baarlamaanka Itoobiya Tagesse Chaffo Dullo ayaa hoggaaminayay wafdiga oo ay ka mid ahaayeen lataliyaha dhanka ammaanka ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed, madaxda shirkadaha dowliga ah, iyo xubno ka tirsan guddiga wadaxaajoodka qaranka ee Itoobiya.

XS
SM
MD
LG