Columbus —
Culuma’udiin iyo waxgarad ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ee gobolka Ohio ayaa isugu yimid kulan ay kaga arrinsanayeen sidii wax looga qaban lahaa dilalalka iyo halista dhinaca maandooriyaha ee muddooyinkan ay wajahayaan dhallinyarada Soomaalida.
Bilihii lasoo dhaafay waxaa kordhay dhallinyarada is-dilaysa iyo kuwa u dhimanaya isticmaalka daroogada, taasi oo si weyn u taabatayay waalidiinta iyo qeybaha bulshada ee magaalada Columbus.
Haddaba Shekh Mustafa Cabdullaahi Bulxan, oo ah maamulaha Masjidka iyo xarunta islaamiga ee Al-Rahma una dhaqdhaqaaqa arrimaha dhallinyarada, ayaa dadaallada ay wadaan iyo kulankaasiba uga warramay wariyaha VAO-da Cabdulqaadir Samakaab oo ku sugan Washington.
Madal