Derna —
Ugu yaraan 11,300 oo qof ayaa ku dhintay 10,100 kalena waa lagu la’yahay magaalo xeebeedka Derna toddobaad kadib markii duufaanta Daniel ay ku dhufatay waqooyi bari Liibiya, sida uu sheegay xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay Sabtidii.
Qiyaastii 170 qof ayaa ku dhintay daadad ku dhuftay gobollada kale ee dalka in ka badan 40,000 oo qofna waa ay ku barakaceen, sida lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobay, iyadoo soo xiganeysa xogtii ugu dambeysay ee Hay’adda Socdaalka Adduunka.
Tirada ayaa la filayaa in ay kor u kacdo, iyadoo dadaallada baadigoobka iyo samatabbixinta dadka ka badbaaday ay socdaan.
Reuters.
Madal