Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhallinyaro Soomaali ah oo dumar u badan oo ku dhintay doon ku qallibantay xeebta Giriigga


Greece - refugee boat

Waxaa dalka Giriiga gaar ahaan magaalo xeebeedka Mitilene oo ku taaala Jaseerada Lesbos ku qaraqantay doon siddey ilaa 46 qof oo ugu yaraan 40 ka mid ahi ay Soomaali ahaayeen.

Tirada ilaa hadda la xaqiijiyey, sida ay idaacdada VOA-da u sheegeen dadkii la kulmay dad lasoo badbaadiyey, waxaa shilkaasi ku nafwaayey laba wiil oo mid ka mid ahi ahaa 14 jir iyo 20 dumar ah oo u badnaa dhalinyaro.

Wariyaha VOAda Qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismil ayaa haddaba khadka tilifoonka kula xidhiidhay Xamze Mohamed Ismaaciil oo ku jira xero la geeyey dadkii shilkaas ka badbaadey, waxaanu marka hore weydiiyey inta qof ee lasoo badbaadiyey ee uu arkay.

Dhallinyaro Soomaali ah oo ku dhintay xeebaha Greece.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:12 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG