Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhadhaab iyo Nairobi oo laga xusay maalinta caalamiga ah ee Qaxootiga Adduunka


Maanta waxaa dunida laga xusayaa maalinta caalamiga ah ee qaxootiga Adduunka, waxaanay qaxooti kasoo kala jeeda ilaa 8 waddan oo bariga Africa ku yaalla oo ay Soomaaliduna mid tahay tahay ay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabteen bandhig dhaqameed ay ku xusayeen maalintan.

Bandhigan oo ay dadka qaxootiga ah ay ku soo bandhigayaan waxyaabaha uu wadan kasta dhaqan u leeyahay ayaa ujeedadiisu lagu sheegay sidii loo abuuri lahaa jawi isdhexgal iyo wada noolaasho, kaasoo dhex mara bulshooyinka qaxootiga ku ah magaalada Nairobi iyo bulshada kale ee Kenyanka ah iyo waliba kuwa aanan ahayn.

Cabdullahi Mire waxa uu ka mid yahay dadka soo qaban qaabiyay bandhigan, isagoo sidoo kalena u dhaq dhaqaaqa arrimaha Qaxootiga Soomaalida ee Kenya, waxaana uu bandhigan uga waramay Wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.

Dhadhaab iyo Nairobi oo laga xusay maalinta Qaxootiga
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:14 0:00

XS
SM
MD
LG