Copenhagen —
Baarlamanka Denmark ayaa dhowaan ansixiyey sharci mamnuucaya in nuqulka Qur’aanka ah lagu gubo meelaha dadweynuhu isugu yimaadaan.
Arrintan oo dhowr jeer horey uga dhacday Denmark iyo Sweden ayaa muslimiin badan oo ku nool labadaas wadan iyo caalamkaba ay aad uga caroodeen, iyada oo ay dhaceen dibadbaxyo waaweyn oo lagu diidanaa.
Sharcigan ayey dowlada Denmark u bixisay sharciga qur’aanka. Faah-faahin ku saabsan sharcigan iyo ciqaabta uu mudan doono qofka ku kaca gubista nuqulka quraanka ayuu Waryaha VOA ee Qaaradda Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ka wareystay Abdirasheed Abdi oo xidhdhibaan deegaanka ah ka ah magaalada Odensa oo ah magaalada saddexaad ee Denmark.
Madal