Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Oct. 3 2015
9
Antonio Costa (Dhexe), hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Portugal ee Socialist party (PS), oo ka qeyb-galaya olole ka dhacaya magaalada Lisbon, Portugal. Doorashada dalkaas ayaa dhici doonta October 4.
10
Calaamad muujineysa duco loo dalbayo magaalada Roseburg ee gobolka Oregon, halkaasi oo jaamacad ku taalla uu qof hubeysan ku dilay dhowr iyo toban qof, tobaneeyo kalena uu ku dhaawacay.