Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dalalka ECOWAS oo ka shiraya afgambiga ka dhacay Niger


Madaxda militariga ee ka socda Ururka Dhaqaalaha Galbeedka Afrika (ECOWAS) ayaa lagu waday inay Arbacada wadahadal ku yeeshaan caasimadda Nigeria ee Abuja oo ku saabsan afgambigii todobaadkii hore ka dhacay Niger.

Dhanka kale, dhowr waddan oo Yurub ah ayaa ka shaqeynaya sidii ay muwaadiniintooda uga soo saari lahaayeen Niger.

ECOWAS ayaa hadal kooban oo ay soo saartay ku sheegtay in Guddiga Sare ee Ciidamada Difaaca ay kaga wadahadli doonaan xaaladda siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Niger kulamadooda illaa Jimcaha.

Warbixin ay qortay VOA, waxaa soo jeedinaysa Caasha Ibrahim Aden.

Dalalka ECOWAS oo ka shiraya afgambiga ka dhacay Niger
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:34 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG