Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallada Gobollada dhexe


Maleeshiyooyinka Ahlu-Sunnah iyo Al-shabaab ayaa dagaallo culus shalay ilaa xalay uu ku dhexmaray Warxoolo oo ka tirsan deegaanka Wabxo.

Warxoolo ayaa halbowle u ahayd goobaha la isku hardiyey galabnimadii shalay ,halkaasi oo ay ka dhacday dhimasho iyo dhaawac labadii geesood ee ay dirirtu u dhaxaysay.

Lama oga khasaaraha dhabt ah ee dagaalkaasi ka dhacay ,haseyeeshee ,koox waliba dhinaceeda waxa ay sheeganaysaa inay iyadu guuulo ka soo hoysay dagaalkaasi oo uu dhiigu ku daatay.

Weriye ka tirsan idaacadda Horn-Afric C/fatah Xasan Farah ayaa VOA-da u sheegay in dagaalkani bilowday, markii fadhiisin ay Al-Shabaab leeyihiin ay soo weerareen maleeshiyada Ahlu-Sunah. Weriyahan wuxuu sheegay in dagaalkii shalay ay ku dhinteen 10 ruux, cusbitaalladana la gaarsiiyay tiro dhaawac ah oo gaadhaya 20 ruux.

Sh. C/laahi Sh.C/raxmaan oo isagu dhinaca warfaafinta u qaabilsan Ahla Sunna Wajamaaca ayaa VOA u sheegay dagaalkaasi oo uu isagu sheegtay inay guullo gaareen.

Si kastaba ha noqotee dagaallada u dhexeeya Ahla Sunna Wal jamaca iyo Kooxda Ashabaab ,waa kuwa u muuqda inay si cad uga muuqadaan saaxadda Awoodeed ee maamildda goboloada dhexe ee Somalia ,oo kooxiba ay iyadu damacsan tahay inay noqoto tan ka talisa.

XS
SM
MD
LG