Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaalka Ukraine wuxuu socon karaa 'sanado badan': Liz Truss


 Liz Truss
Liz Truss

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine wuxuu socon karaa “sanado badan” waxayna dunida u baahan tahay inay isku diyaariso in Moscow “ay isku daydo inay adeegsato hub kasii xun kuwa iminka,” waxaa sidaas maanta ka digtay wasiirka arrimaha dibedda Britain Liz Truss.

“Waxaan ka cabsi qabaa in tani ay noqon doonto masaafo dheer, tani waxay noqon kartaa sanado badan,” ayey Truss u sheegtay Sky News.

“Ruushka waxay leeyihiin ciidamo xooggan, waxaana ognahay in Ukrayniyiinta ay yihiin geesiyaal, waxaa ka go’an inay u istaagaan qarannimadooda iyo sharaftooda dhuleed, waxaana ka go’an inay dagaalamaan.”

Wasiirka ayaa sheegtay in warbixino sirdoon ay muujiyeen in ciidamada Ukraine “ay sii wadaan inay iska caabiyaan soo siqitaanka Ruushka” islamarkaana xalay aysan dhicin “isbeddelo waa weyn.”

Hase yeeshee waxay ka digtay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu adeegsan karo hub kasii dhimasho badan.

“Tani waxay noqon kartaa billowga dhammaadka Putin, waxaana ka cabsi qabaa inay ka go’an tahay inuu dagaalka u adeegsado hababka ugu xun.”

“Waxaan ka cabsi qabaa in dagaalkan uu noqon karo mid aad iyo aad u dhiig badan. Waxaan u baahannahay inaan diyaar u noqono in Ruushka ay isku dayaan inay adeegsadaan hub kasii xun,” ayey ku dartay.

Si kastaba, Putin “waa inuu ka war hayaa in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ay goor horeba eegeyso waxa ka dhacaya Ukraine, ayna jiri doonaan cawaaqibyo dhab ah oouu si shakhsi ah u wajaho,” ayey u sheegtay Sky News.

Dalalka Reer Galbeedka ayaa Sabtidii isku raacay cunaqabateeno cusub oo maaliyadeed oo ka dhan ah Ruushka sababo la xiriira duulaanka ay ku qaaday Ukraine, kuwaasi oo ay ku jirto in Bankiyo dhowr ah oo Ruushiyaan ah laga saaro nidaamka SWIFT ee isku xira Bankiyada Caalamka.

Xulufada ayaa sidoo kale isku raacay tallaabo looga hortagayo in Bankiga Dhexe ee Ruuska “uu kala wareejinta maaliyadda ee caalamiga ah u adeegado inuu ku xoojiyo lacagta ruble ee Ruushka,” sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah.

AFP

XS
SM
MD
LG