Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaalka Ukraine iyo maanta: Wararkii ugu dambeeyey


Duulaanka ay ciidamada Ruushka ku qaadeen dalka Ukraine ayaa manata galay maalintii 12-aad, ayada oo weli Moscow aanay sameyn horumar la taaban karo. Haddaba waa kuwan wararkii ugu dambeeyey xaaladda iyo qodobada aad u baahan tahay inaad ogaato.

- Duqeymaha oo sii kordhay –

Ciidamada Ruushka ayaa sare u qaaday duqeymaha ay ka fulinayaan magaalooyin badan oo ka tirsan Ukraine. QM ayaa sheegtay in 1.5 milyan oo qof ay ka barakaceen dalkaas, taasi oo ah xasaraddii qaxootinimo ee ugu deg degta badneyd ee ka dhacda Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

- Daadgureynta Mariupol oo mar kale fashilantay -

Isku dayo dadka shacabka ah looga daad-gureyn lahaa magaalada go’doonsan ee Mariupol ee Ukraine ayaa mar kale guuldarreysatay, ayada oo ay jirto xabad-joojino dhowr jeer la jebiyey. Dadka magaalada ayaa ah biyo iyo koronto la’aan.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa mar kale ku dhowaaqday in waddooyin bani’aadaminimo laga furay dhowr magaalo oo ka mid ah Ukraine.

- Dagaallo xooggan -

Militariga Ukraine ayaa sheegay inay “dagaal xooggan” kula jiraan ciidamada Ruushka, jiinka magaalada koonfureed ee Mykolayiv, taasi oo ku taalla waddo gasha dekedda ugu weyn dalkaas ee Odessa.

- Chernihiv oo si xun loo garaacay -

Tobaneeyo qof oo shacab ah ayaa lagu dilay dagaalka magaalada Chernihiv ee ku taalla waqooyiga Ukraine. Qaar ka mid ah dadka badbaaday ayaa ku nool godad ama burburka daaraha hoostooda.

- Garoon diyaaradeed la burburiyey –

Gantaallada Ruushka ayaa burburiyey garoonka diyaaradaha Vinnytsia ee bartamaha dalka Ukraine, sida uu sheegay madaxweynaha dalkaas Volodymyr Zelensky.

- Ruushka oo xadiday iibka cuntada aas-aasiga ah –

Dukaanada ku yaalla Ruushka ayaa lagu amray inay xadidaan iibka cuntada quutul daruuriga ah si looga hortago warar ku saabsan suuq madow, xilli cunaqabateenada Reer Galbeedka ay saameyn yeesheen.

- Kremlin-ka xoo iray kumanaan qof -

Kumanaan qof oo dheeri ah ayaa lagu xiray qeybo kala duwan oo ka mid ah dalka Ruushka kadib markii ay ka qeyb-galeen dibad-baxyo looga soo horjeedo dagaalka, taasi oo tirada guud ee dadka la xiray ka dhigeysa 11,000 oo qof, tan iyo markii uu billowday duulaanka.

- Putin: Waxaan ku guuleysan doonnaa wada-hadal ama dagaal -

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inuu ku guuleysan doono hadafkiisa Ukraine “ayada oo loo marayo wada-xaajood ama dagaal.”

- Diyaaradaha dagaalka Reer Galbeedka -

Dowladda Mareykanka ayaa u fasaxeysa Poland inay Kyiv siiso diyaarado dagaal. Moscow ayaa ka digtay in taasi ay xubno ka mid ah NATO soo gelineyso dagaalka.

- Cunaqabateyn dhanka tamarta ah -

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Reer Galbeedka ay wada-hadallo “aad u firfircoon” ka leeyihiin cunaqabateyn la saaro saliidda Ruushka. Qiimaha saliida cayriin ee suuqyada caalamka ayaa gaaray $140 halkii barmiil, taasi oo ah heerkii ugu sarreeyey abid.

- Xayiraad dhanka Credit Cards-ka ah -

Shirkadaha soo saara kaararka bankiyada ee Creidt Cards-ka ee Visa, Mastercard iyo American Express, oo dhammaantood laga leeyahay Mareykanka, ayaa joojiyey ganacsigoodii Ruushka. Bankiyada Ruushka ayaa sheegay inay adeegsan doonaan kaararka shirkadda UnionPay ee Shiinaha.

- Cabsi Nukliyeer -

Faransiiska ayaa ku dhowaaqay inay kaniiniyada iodine iyo sahay kale oo caafimaad u diri doonaan Ukraine. Waxaa loo adeegsadaa ka hortagga saameynta ka dhalata shucaaca sunta Nukliyeerka.

- Guuto dagaal oo caalami ah –

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ukriane Dmytro Kuleba ayaa sheegay in 20,000 oo ah dagaal-yahano caalami oo mutadawiciin ah ay ku biireen dagaalka ka dhanka ah ciidamada Ruushka, kuwaas oo badankood ka yimid Yurub.

- Shirkado Teknoolaji oo baxay –

Shirkadda Netflix ayaa hakisay adeegeedii Ruushka, halka shirkadda baraha bulshada ee TikTok ay xanibtay in muuqaal Video ah laga soo geliyo dalka Ruushka, kadib markii xeer faafreeb oo cusub uu dhaqan galay.

Warbaahin caalami ah oo ay ku jiraan CBC, ARD, ZDF, Bloomberg News, CNN, CBS, RAI iyo EFE ayaa hakiyey inay kasoo warramaan Ruushka kadib markii Moscow ay xabsi ugu hanjabtay warbaahinta ka warrameysa dagaalka.

AFP

XS
SM
MD
LG