Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal culus oo Israel iyo Xamas ku dhex-maray Khan Yunis


Ciidamada Israa’iil iyo dagaalyahannada Xamaas ayaa Isniintan dagaal culus uu ku dhex maray gudaha iyo hareeraha Khan Younis ee koonfurta Marinka Gaza, xilli dagaallo ay ka socdeen magaalada Gaza ee woqooyiga dalkaasi.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini'aadannimada ayaa sheegay in gargaar qaybintii Gaza ay si weyn u joogsatay, marka laga reebo deegaanka Rafah ee u dhow xuduudka Masar, iyadoo dagaalka xooggan iyo xannibaadaha lagu soo rogay waddooyinka muhiimka ah ay joojinayaan howlaha bini'aadannimo.

Dagaalkan ayaa dad lagu qiyaasay 1.9 milyan oo qof ka riixay guryahoodii Gaza, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay magangalyo ka raadsadeen koonfurta xarumaha ciriiriga ah, iyadoo laga digayo xaaladaha nadaafadda oo liita iyo khatarta kororka cudurrada faafa.

UN OCHA ayaa sheegtay in tobanaan kun oo qof ay soo gaareen magaalada Rafah todobaadkii la soo dhaafay. Isla wakhtigaas, Israa'iil waxay sii ballaarisay dagaalka ay kula jirto Xamaas ee koonfurta, oo ay ku jiraan hawlgallada ay ka wadaan Khan Younis, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Gaza.

Wafdi ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintan u safray xadka Masar iyo Gaza, si ay ula kulmaan saraakiisha gargaarka ee Qaramada Midoobay iyo hay'adaha samafalka ee ku hawlan gaarsiinta gargaarka.

Madal

XS
SM
MD
LG