Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad muslimiin ah oo lagu laayay gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya


Muslimiinta Itoobiya oo salaad ku tukanaya barxadda caasimadda Addis Ababa
Muslimiinta Itoobiya oo salaad ku tukanaya barxadda caasimadda Addis Ababa

20 qof oo muslimiin ah ayaa lagu dilay gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya iska horimaad dhexmaray rag hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan, sida uu sheegay hoggaamiyaha Muslimiita ee gobolkaasi.

Rabshadaha ayaan la xiriira colaad ka dhacday gobolka Tigray ee dariska la ah, kuwaas oo qarxay bishii Noofambar sanadkii 2020 kuna faafay gobollada Axmaarada iyo Canfarta sannadkii hore.

"Dhacdadu waxay dhacday shalay markii Muslimiintu ay u socdeen inay aasaan shakhsi," ayuu yiri Seid Muhammed, oo ah madaxa Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Amxaarada, oo Arbacadii la hadlay Reuters.

Seid waxa uu sheegay in ragga hubaysan ay walxaha qarxa ku tureen dadkii Muslimiinta ahaa ee ku sugnaa magaalada Gonder, halkaas oo ay ku dileen saddex qof, shan kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhibanayaasha kale ayaa ku dhintay iska horimaadyada xigay.

“Waxaa dhacay bililiqo loo geystay dukaamo, waxaana la isku dayay in la gubo saddex masaajid, hal masjid waxaa dalb la qabadsiiyay gogosha kasoo gaaray bur-bur yar" ayuu sii raaciyay.

Gizachew Muluneh oo ah afhayeenka maamulka gobolka Axmaarada ayaa sheegay in shilkan uu baaris ku socdo uuna dib ka sheegi doono wixii kusoo kordha.

Ilo dhanka bini’aadinimada ah ayaa sheegay in 15 qof oo dhaawac ah loo qaaday cisbitaalka Gonder, mana cadda tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay walxaha qarxa.

Sannadkii 2019-kii, mas’uuliyiintu waxay xireen shan qof oo looga shakisan yahay inay gubeen afar masaajid oo ku yaalla magaalada Motta ee isla gobolka.

Reuters

XS
SM
MD
LG