Washington —
Labaatan sano ka hor bishan oo kale, sawirro la soo bandhigay oo la xiriira dad maxaabiis ah oo la jir-dilayo iyo askar Maraykan ah oo ilka-caddeynaya, kuwaas oo ku sugnaa xabsigii Abu Ghuraib ee dalka Ciraaq, ayaa adduunyada ka yaabiyey.
Haddaba saddex qof oo ka mid ahaa dadkii la jir dilay ayaa fursad u helay in dacwadooda laga dhigaysto maxkamadaha Maraykanka, iyaga oo dacweeyey shirkaddii amniga ee xabsiga maamulaysay oo magaceedu yahay CACI.
Haddaba goorta ay bilaabnayso iyo faafhaahinta dacwaddan ayaa Maxamed Cabdi Sandheere uu ka wareystay Ibraahim Maxamed Maxamuud (Mustashaar) oo arrimaha Carabta aqoon u leh, kuna sugan gobolka Minnesota.
Madal