Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Culuma’udiinka iyo odayaasha DDS oo bayaan kasoo saaray duulaanka Al-Shabaab


Shabaab
Shabaab

Culuma’udiinka, Odayaasha Dhaqanka, Aqoonyahka iyo Waxgaradka Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa Isniintii si wad-jir ah u cambaareeyay weeraradi ay Al-Shabaab maalmihi lasoo dhaafay ku qaadday deegaanno ka tirsan dhulka Dowlad-deegaanka Soomaalida.

War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen Isbaheysiga Hey’adaha aan Dowliga aheyn ee loo soo gaabiyo SONSAC iyo Daladda Aqoonyahanka Deegaanka Soomaalida ee DADS ayaa lagu cambaareeyay weerarada Al-Shabaab ku qaadeen fariisamo ay ciidanka Liyuu Booliska ku leeyihiin xadka.

Sidoo kale, qoraal saxaafadeed kaas la mid ah waxaa xalay soo saaray Golaha Nabadda iyo Midnimada ee daagaanka iyo Culumaa’uddiinka.

Bayaanka ayaa lagu cambaareeyay dagaalka ay Shabaab ka geysteen deegaannada xadka, halka ay ku bogaadiyeen howlgallada ay ciidamada Liyuu Boolis kaga hortageen Al-Shabaab.

Waxay ugu baaqeen shacabka dowlad deegaanka in ay badiyaan feejignaanta ku aadan falalka lagu qalqal gelinayo amniga deegaanka.

XS
SM
MD
LG