Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cod-bixiyayaasha Mareykanka oo ka walaacsan labada musharax ee horyaalla


Natiijooyinka hordhaca ah ayaa waxay muujinayaan in doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 2024 ay noqon doonto sida tartankii 2020-kii, kaasoo u dhexeeyey Joe Biden iyo Donald Trump.

Codbixiyayaasha ayaa kala dooran doona Joe Biden oo noqon doona madaxweynihii ugu da'da weynaa taariikhda waddanka ama madaxweynahii labaad ee ugu da'da weynaa dalka oo ah (Trump).

Codbixiyeyaal badan ayaan ku faraxsanayn doorashada. Ra'yi ururin uu sameeyay televisionka ABC News horaantii bishan ayaa lagu ogaaday 59% dadka Maraykanka ay u maleynayaan in labada musharax ee la malaynayo ay labaduba aad uga da' weyn yihiin inay mar kale qabtaan xilka madaxtinimda dalka.

Cabdiqafaar Cabdi Wardheere oo ka faallooda siyaasadda Maraykanka iyo tan caalamka ayaan ugu horreyn weydiiyay waxa dadka Maraykanka ah ay walaac ugu hayso da’da madaxweynaha soo socda ee dalka Mareyanka?

Cod-bixiyayaasha Mareykanka oo ka walaacsan labada musharax ee horyaalla
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:31 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG