Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Israel oo saddex dagaalyahan ku dilay Daanta Galbeed


Ciidamada Israel ayaa xalay Daanta Galbeed ee la haysto ku dilay saddex dagaalyahan oo Falastiiniyiin ah, howlgalkaas oo ciidamada ay ku qeexeen mid lagu soo qabanayey xubno lagu tuhunsan yahay argagixisanimo.

Bayaan ay soo saartay ayey wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta ku sheegtay in saddexda nin oo lagu dilay xerada qaxootiga Balata ee Nablus lagu magacaabay Muhammad Abu Zaytoun, 32 jir, Fathi Abu Rizk, 30 jir, iyo Abdullah Abu Hamdan, 24 jir.

Guutada Shuhadada Al-Aqsa, oo ah garabka hubeysan ee xisbiga Fatah ee madaxweyne Mahmud Abbas, ayaa bayaan ku sheegtay in saddexda nin ay xubin ka ahaayeen dagaalyahannada kooxda.

Ciidamada Israel ayaa sheegay inay toogteen dhowr dagaalyahan kadib markii dagaal uu qarxay intii uu socday howlgal “ka hortag argagixiso,” kaasi oo saddxe qof ay kusoo xireen.

Intii uu socday howlgalka “koox hubeysan ayaa rasaas kusoo furay askarta kuwaasi oo iyagana rasaas ku jawaabay,” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada Israel.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in ciidamada “ay soo xireen saddex qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen dhaq-dhaqaaq argagixiso.”

Afhayeen u hadlay madaxtooyada Falastiin Nabil Abu Rudeineh ayaa dilka ku qeexay “xasuuq dhab ah,” wuxuuna sheegay in weerarada ciidamada Israel “ay yihiin dambiyo dagaal oo weyn iyo ciqaab wadareed.”

Wuxuu sheegay in “aamusnaanta Mareykanka ay Israel ku dhiiri-gelineyso inay kordhiso weerarada, wuxuuna Washington ugu baaqay “inay deg deg usoo faro-geliso inay joojiso waalida Israel ee gobolka kusii riixeysa qarax.”

AFP

XS
SM
MD
LG