Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Israa'iil oo gudaha u galay isbitaalka Al Shifa ee magaalada Gaza


FILE PHOTO: Newborns taken off incubators in Gaza's Al Shifa hospital after power outage
FILE PHOTO: Newborns taken off incubators in Gaza's Al Shifa hospital after power outage

Ciidamada Israel ayaa Arbacadii gudaha u galay isbitaalka ugu weyn ee magaalada Gaza, waxaana ay baarayeen qolalka iyo qeybta hoose ee isbitaalka, sida ay sheegeen goob joogayaal, taas oo soo gabagabeysay go’doomin maalmo qaatay oo sababtay qeylodhaan caalami ah oo ku aadan nolosha kumannaan rayid ah oo ku go’doonsan gudaha Gaza.

Isbitaalka Al Shifa ee magaalada Gaza ayaa noqday bartilmaameedka ugu weyn ee howlgalka dhulka ee ciidamada Israel, kuwaas oo sheegay in godad ku hoos yaalla isbitaalka hoostiisa ay dagaalyahannada Xamaas ay “hal-bowle" u ahaayeen, taas oo Xamaas ay beenisay.

Indhaha caalamka ayaa diiradda saaray jiritaanka boqollaal bukaan ah oo ku xayiran gudaha, iyaga oo dhaqaatiirta isbitaalka aysan heysan wax awood ah oo ay ku shaqeeyaan iyo agabka caafimaadka aasaasiga ah, iyo kumannaan rayid ah oo barakacayaal ah oo hoy u raadsaday.

Saraakiisha Gaza ayaa sheegay in bukaanno badan oo ay ku jiraan saddex ilmood oo dhawaan dhashay ay dhinteen maalmihii lasoo dhaafay taas oo ka dhalatay hareeraynta Israa'iil ee isbitaalka.

Israa'iil waxay sheegtay in ciidamadeedu ay ku dileen dagaal yahanno ka tirsan Xamaas agagaarka isbitaalka kahor intii aysan galin. Waxay sheegeen in isbitaalka u keeneen sahay caafimaad oo loogu talagalay dadkii ku jiray.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG