Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Amxaarada oo lagu eedeeyay 'isir sifeyn' ka dhan ah Tigrayga


Laba ka mid ah ururada xuquuqul insaanka ayaa Arbacadii ku eedeeyay ciidamada hubaysan ee kasoo jeeda gobolka Axmaarada ee Itoobiya inay wadeen olole isir sifayn ah oo ka dhan ah qawmiyadda Tigrayga intii uu socday dagaal ay ku dhinteen kumannaan rayid ah, kuna barakaceen in ka badan hal milyan.

Amnesty International iyo Human Rights Watch (HRW) ayaa warbixin ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay in xadgudubyada ay geysteen saraakiisha Amxaarada, ciidamada gaarka ah ee gobolka iyo kuwa maleeshiyaadka ah intii uu socday dagaalka ka dhacay galbeedka Tigray ay ka dhigan yihiin dambiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah bini’aadantinimada.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen militariga Itoobiya inay ku lug leeyihiin falalkaas.

"Laga soo bilaabo November 2020, saraakiisha Amxaarada iyo ciidamada ammaanku waxay ku hawllanaayeen olole aan kala joogsi lahayn oo isir sifeyn ah, si ay dadka Tigrayga ee galbeedka Tigray uga xoogaan guryahooda," ayuu yiri Kenneth Roth, Agaasimaha Fulinta ee Human Rights Watch.

Afhayeenka xukuumada Axmaarada Gizachew Muluneh ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in eedaha xadgudubyada iyo isir sifaynta ee galbeedka Tigray ay yihiin warar "been abuur ah".

Amnesty iyo HRW waxay sheegeen in ciidamada Tigreegu ay sidoo kale gaysteen xad-gudubyo 17-kii bilood ee uu socday dagaalki, laakiin warbixintani aysan aheyn mid hadda diiradda lagu saarayo xadgudbyada ay geysteen.

Warbixintan oo ku salaysan qiimeynta 427 waraysi oo lala yeeshay dadkii ka badbaaday, xubnaha qoyskooda iyo markhaatiyaasha, ayaa ah tii ugu badnayd ee ilaa hadda laga diiwaan geliyo tacadiyadii ka dhacay galbeedka Tigray.

Dowladda Itoobiya, afhayeennada milateriga, taliyihii hore ee ciidamada gaarka ah ee Amxaarada iyo maareeyaha galbeedka Tigray midkoodna weli kama jawaabin warbixintan.

Galbeedka Tigreega waxaa ka dhacay rabshadihii ugu xumaa ee ka dhashay dagaalka, kaasoo ay isaga horyimaadeen xukuumadda Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo xulafadeeda kasoo jeeda gobolka Axmaarada iyo Jabhadda Tigreega ee TPLF. Kooxda TPLF ayaa gacanta ku haysay xukuumadda Itoobiya kahor intii aanu Abiy xilka qaban 2018-kii.

Bishii Maarso ee sannadkii hore, xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku eedeeyay ciidamada Amxaarada inay geysteen "falal isir sifayn ah".

Reuters

XS
SM
MD
LG