Isku xirrada

War Deg-Deg ah

CIA-da oo baaq u dirtay shacabka Ruushka


Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa xoojisay dadaalka ay dadka Ruushka uga dhaadhicineyso inay dusiyaan sirta dalkooda, ayada oo muuqaalo qiiro leh soo dhigtay Telegram, kuwaasi oo loogu talo-galay dadka ka niyad jabsan xaaladda xukunka madaxweyne Vladimir Putin.

Muuqaalka gaaban ayaa waxa uu muujinayaa shaqaale dowladeed iyo haweeney gurigeeda ku haysata ilmo, oo u muuqda kuwa dhibaato nololeed ay haysato, isna weydiinaya haddii tani ay tahay wixii ay ku riyoonayeen.

Wuxuu soo jeedinayaa in dadku ay tallaabo qaadi karaan si ay xaaladda u hagaajiyaan -- ayaga oo akhbaar siinaya hay’adda sirdoonka Mareykanka -- islamarkaana sii ahaanaya waddiniyiin.

Muuqaalka, oo uu wehliyey qoraal, ayaa bixinaya tilmaamo ku saabsan sida ay dadka akhbaar kusoo gudbin karaan ayaga oo adeegsanaya webka qarsoodiga ah iyo agab ay CIA-du sheegtay inuu xaqiijin doono badqabkooda.

“CIA-da waxay dooneysaa inay ogaato runta ku saabsan Ruushka, waaana raadineynaa dad la isku halleyn karo oo noo sheegi kara runtan,” ayey qortay hay’adda.

“Xogtaada waxaa macquul ah inay ka qiimo badan tahay sida aad moodo.”

CIA-da ayaa sheegtay inay rajeyneyso inay la xiriirto dadka ka tirsan sirdoonka, diblomaasiyadda, sayniska iyo taknoolajiyadda iyo qeybaha kale, ayna xiiseyneyso akhbaar nooc kasta oo ay tahay, oo ay ku jiraan siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Sarkaal ka tirsan hay’adda ayaa AFP u sheegay inay codsi sidan oo kale ah ka sameeyeen baraha kale ee bulshada, balse ay iminka diiradda saarayaan barta Telegram maadaama ay tahay halka ugu badan ee dadka Ruushka ay akhbaarta ku wadaagaan.

CIA-da ayaa fileysa in bixinta hab fudud oo cad oo lagu dusin karo akhbaarta ayada oo la adeegsanayo webka sirta ah, ay ka dhaadhicin karto dadka Ruushka ee taxaddaraya inay qaadaan tallaabada xigta.

“Ujeedkeenu waa inaan siinnaa marinada ugu amnisan uguna macquulsan oo ay nagula soo xiriiri karaan,” ayuu yiri sarkaalka oo codsaday inaan la magacaabin.

Sarkaalka waxa uu adkeeyey in Mareykanka aanu dooneyn inuu kiciyo kacdoon ama isbeddel maamul, balse uu filayo in qaar ka mid ah dadka Ruushka ay arkaan hab ay ku caawin karaan in dalkoodu horey u socdo.

AFP

XS
SM
MD
LG