Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Chile: 33-kii Macdan-qode oo la soo Wada Saaray


Chile: 33-kii Macdan-qode oo la soo Wada Saaray
Chile: 33-kii Macdan-qode oo la soo Wada Saaray

Kooxaha gurmadka ee dalka Chile ayaa dhamaystiray soo saarida 33-kii macdan-qode ee dhulka hoostiisa ku xayirnaa in ka badan 2 bilood.

Waxaa dhamaatay hawshii soo saarista macdan-qodayaashii ku xanibnaa dhulka hoostiisa in kabadan labo bilood.

Madaxweynaha Chile, Sebestian Pinera oo saacadihii ay hawshu socotay halkaasi joogay ayaa khudbad qiiro leh jeediyay, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay kooxaha gurmadka ee gacanta ka geystay soo saarida macdan qodayaashan.

Madaxweynaha, iyo dhamaan kooxaha gurmadka iyo waliba ninkii ugu danbeeyey ee la so saaray ayaa waxay mar qura wada qaadeen heestii calanka ee waddanka Chile ay wada qaadeen.

Hawshan lagu soo saarayo macdan qodoyaashan ayaa si toos ah looga daawanayaa daafaha dunida, waxaana la sheegay in in kabadan 1,000 wariyeyaal oo ka kala socda qeybaha warbaahinta ay ku sugan yihiin goobta badbaadadu ka socoto oo ku taalla dhul lama degaan ah.

33-ka macdan-qode waxaa dhulka hoostiisa lagaga soo saarayay waadaan bir ka sameysan oo dherer taasoo guudka sare ee dhulka macdan-qodayaasha mid mid ugu soo saareysa.

Dalka Chile, waxaa haatan ka bilaabatay dabbaaldegyo la samaynayo taasoo dadku ay farxaddooda ku muujinayaan howshan soo dhamaatay.

XS
SM
MD
LG