Toronto —
Cayaaraha kubadda cagta ee toddobaadka Soomaalida ayaa si habsami leh uga socda magaalada Toronto ee dalka Canada.
Tartankan oo ay ka qeyb galayaan kooxo ka kala yimid Mareykanka, Ingiriiska iyo magaalooyinka Canada ayaa hadda galay siddeed dhammaadka.
Kooxaha soo baxay waxaa kamid ah Ohio United oo ilaa iyo hadda aanan la kulmi wax guul darro ah. Xuseen Nuur Xaaji ayaa warbixintan soo direy.