Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Catalonia Oo Billowday Hindise Madax Banaani


Taageerayaasha Barcelona oo haatinaya calanka xorriyadda ee Catalonia.
Taageerayaasha Barcelona oo haatinaya calanka xorriyadda ee Catalonia.

Catalonia waa is-maamul goboleed ay ku nool yihiin 7.5 Milyan oo qof, waxaana uu soo saaraa 20% dhaqaalaha dalka Spain. Waxaa ka dhisan kooxda Kubadda Cagta ee Barcelona.

Sharci dejiyayaasha gobolka waqooyiga Bari ee Spain ee Catalonia ayaa maanta oo isniin ah billaabay dadaallo cusub oo ay ku raadinayaan madax bannaani.

Isbaheysi lagu magacaabo “Si Wada Jir ah, Haa” iyo xisbiga bidix ee CUP, oo marka la isku geeyo maamula 72 ka mid ah 135-ka kursi ee golaha gobolka ayaa soo bandhigay hindise lagu billaabayo hannaan qaadan doona 18 bilood oo ay ku goosanayaan.

Sharci dejiyayaasja Catalonia ayaa la filayaa inay maanta u codeeyaan hindisahan.

Ra’iisul Wasaaraha Spain Mariano Rajoy ayaa bishii tagtay ballan qaaday inuu adeegsan doono dhammaan hababka siyaasadeed ee sharciga ah, si uu u joojiyo isku dayga ay Catalonia ku raadiensyo madax bannaanida, oo ay ku jirto inuu arrintan geeyo maxkamadda sare ee dastuuriga ah ee dalkaas.

Waxa uu tallabaada ay Catalonia ku raadiensyo gooni u goosadka ku macneeyey “Mid daan daansi ah”.

Catalonia waa is-maamul goboleed ay ku nool yihiin 7.5 Milyan oo qof, waxaana uu soo saaraa 20% dhaqaalaha dalka Spain.

Dhaqdhaqaaqa xorriyad doonka ah ee Catalonia waxa uu jiraa in ka badan qarni, hase yeeshee waxa uu xoogeysatay sanadihii dhowaa, kadib dhibaatooyinkii dhaqaale ee saameeyey Spain.

Sanad ka hor waxaa gobolka uu qaaday afti dowladda ay ku macneysay mid aan sharci ahayn, waxaana in gobolka uu goosto taageeray 80%.

Kooxda caanka ah ee kubadda cagta ee Barcelona ayaa ka dhisan magaalada caasimadda u ah gobolkaas ee Barcelona.

XS
SM
MD
LG