Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in heshiis lagu soo celinayo la haystayaashii ay Xamaas ku haysteen Marinka Gaza la gaaray, taas oo meesha ka saaraysa caqabada hortaagan xabbad joojin la doonayo in lagu soo afjaro dagaalkii 15-ka bilood socday ee labada dhinac.
Bayaan ka soo baxay subaxnimadii saaka xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa lagu wargeliyey kooxda wada xaajoodka in heshiis laga gaaray heshiis lagu sii daayo la-haystayaasha.
Golaha Ammaanka ee Israa'iil ayaa kulmay Jimcaha maanta si ay ugu codeeyaan heshiiska. Golaha wasiirada Israel oo dhamaystiran ayaa lagu wadaa in ay kulmaan Jimcaha dambe si ay u bixiyaan ansixin kama dambays ah.
Falastiin Axmed Iimaan ayaa inoo haysa warbixintan.
Madal