Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Canada oo ku dhawaaqday qorshe ay malaayiin shaqaale ah uga keensaneyso dibadda

Justin Trudeau
Justin Trudeau

Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday Talaadadii shalay in boqollaal kun oo soogalooti xirfadleyaal ah ay dalkeeda keeni doonto sanad walba, marka la gaaro 2025-ka.

Wasiirka socdaalka Canada Sean Fraser oo warbaahinta la wadaagay qorshahan ayaa tilmaamay muhiimadda tallaabadan ay u leedahay kobaca dhaqaalaha dalkiisa.

Canada waxey kamid tahay dalalka sida aadka ah magan-gelyada u siiya Soomaalida.

Haddaba, wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrimahan ka wareystay Farxaan Cali Jimcaale oo bartay cilmiga dhaqaalaha, kana faallooda arrimaha Canada, ugu horreyna waxa uu waydiiyay tirada dowladda Canada ay qorsheyneyso inay dalkeeda geyso sanad walba iyo waxa xilligan kusooo beegay inay ku dhawaaqdo?

Canada oo u baahan malaayiin shaqaale xirfadleyaal ah .mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:44 0:00

XS
SM
MD
LG