Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boqollaal qof oo ku dhintay dagaalka Xamaas iyo Israa'iil


EDITORS NOTE: Graphic content / Israeli rescue teams wait next to ambulances parked just outside the southern city of Sderot to evacuate the wounded on October 7, 2023, after the Palestinian militant group Hamas launched a large-scale surprise attack on I
EDITORS NOTE: Graphic content / Israeli rescue teams wait next to ambulances parked just outside the southern city of Sderot to evacuate the wounded on October 7, 2023, after the Palestinian militant group Hamas launched a large-scale surprise attack on I

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Axadda maanta ah ka digay in uu dhacayo dagaal “dheer oo adag”, xilli dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ay ku dhinteen boqolaal qof oo labada dhinac ah ka dib markii ay weerar lama filaan ah ay kooxdu ku qaaday Israa’iil Sabtidii.

Dagaalkan oo ah kii ugu dhiigga badnaa muddo tobannaan sano ah ayaa dhacay kadib markii ay Xamaas shalay qaadday weerar gantaalo loo adeegsaday, dagaal dhinaca dhulka, cirka iyo badda ah.

Ciidammada Israa’iil ayaa sheegay in ay weerarkaasi ku dhinteen dad ka badan 200 oo Israa’iiliyiin ah, kuna dhaawacmeen 1,000 qof, halka askar iyo rayidna la afduubtay.

Saraakiisha Gaza ayaa sheegay in duqeymaha xooggan ee ay Israa’iil ku hayso dhulka xeebaha ah ay ku dhinteen ugu yaraan 256 qof, iyadoo ku dhawaad 1,788 ay ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale, kooxda awoodda badan ee Xizbullah ee Lubnaan islamarkaana taageerada ka hesha Iiraan ayaa sheegtay in ay “tiro badan oo madaafiic iyo gantaallaha la hago ah” ku riday fariisimaha Israa'iil ee aagga xudduudaha lagu muransan yahay.

Ciidamada Israa’iil ayaa goor sii horeysay sheegay in ay madaafiic ku garaaceen koonfurta Lubnaan iyagoo ka jawaabaya rasaas ka dhacday deegaankaasi, oo aysan sheegin kooxda weerarka geysatay.

Madal

XS
SM
MD
LG