Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliska Pakistan oo ku fashilmay inay soo xiraan Imran Khan


Booliska Pakistan ayaa u muuqday maanta inay ka tanaasuleen isku day ay kusoo xiri lahaayeen ra’iisul wasaare hore Imran Khan, kadib markii ay hor-istaageen taageerayaashiisa.

Booliska ayaa soo afjaray go’doomin ay ku hayeen guriga Khan kadib markii ay isku dhaceen boqolaal taageerayaashiisa ah oo difacaaya.

Weriye ka tirsan AFP iyo goobjoogeyaal ku dhow guriga Khan ee xaafadda Zaman Park ee duleedka Lahore ayaa sheegay in booliska iyo ciidamada u tababaran sida militariga ay dib uga gurteen aagga, ayaga oo cidleeyeey jid gooyooyin dhowr ah iyo baro kontorool.

“Booliska iyo ciidamada ranjariska ee loo soo diray inay waxyeeleeyeen Khan waxaa dib u riixay shacabka,” waxaa sidaas twitter-ka kusoo qoray xisbiga PTI ee Khan, oo sidoo kale soo bandhigay muuqaalo muujinaya shacab ku dabaal-degaya banaanka guriga.

“Dad hor leh ayaa imanaya Zaman Park, mana ogolaan doonaan marnaba inay guuleystaan hadafyada xun ee dowladdan dibedda laga keenay, Insha’Allah.”

Booliska iyo taageerayaasha Khan ayaa waxaa xalay oo dhan dhex-marayey dagaal, ayaga oo ridaya gaaska dadka ka ilmeysiiya, halka shacabka ay tuurayeen dhagxaan.

Koox boolis ah ayaa la arkayey ayaga oo galabta ka cararaya aagga guriga Khan.

Khan ayaa waxaa xukunka looga qaaday codka kalsoonida baarlamanka sanadkii tegay, waxaana lagu soo oogay daraasiin kiisas musuq-maasuq ah, xilli uu u ololenayo doorashooyin waqtigooda kasoo hormara si uu xukunka ugu so laabto.

Bogagga rasmiga ah ee PTI ee baraha bulshada ayaa muujiyey muuqaalka Khan oo shacab ku salaamaya beerta gudaha gurigiisa, halka taageerayaal faraxsanna ay ku dabaal-degayeen banaanka.

Booliska ayaa ku adkeystay inay haystaan amar ay kusoo xiraan Khan sababo la xiriira inuu ku guul-darreystay inuu horyimaado maxkamaddaIslamabad una wajaho dacwado musuq-maasuq.

Hase yeeshee, ra’iisul wasaarihii hore iyo qareenadiisa ayaa sheegay in la siiyey damaanad.

“Hoggaamiyaha PTI ma haysto damaanad ka ilaalisa kiiskan,” waxaa sidaas AFP u sheegay afhayeenka booliska Islamabad Muhammad Taqi Jawad.

Waxa uu sheegay in amarka soo xiris uu weli taagan yahay, wuxuuna beeniyey in booliska ay dib u gurteen gurigiisa.

Afhayeenka booliska ayaa intaas ku daray “Ficilladeena waxay u hoggaansami doonaan sharciga, waxaana naga go’an inaan fulino waajibaadkeena.

Goor sii horreysay Imran Khan ayaa baahiyey muuqaal uu ku yiri “Shacabka ayey gaaska dadka ka ilmeysiiya ku furayaan iyo walxo kale, balse ogaada qiil uma haystaan.

AFP

XS
SM
MD
LG