Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boeing oo ku dhowaad 80 diyaarad ka iibineysa Sacuudiga


Shirkadda diyaaradaha sameysa ee Boeing ee dalka Mareykanka ayaa la filayaa inay ku dhowaad 80 diyaarado oo ah nooca 787 Dreamliner ka iibiso laba shirkado diyaradeed oo Sacuudiyaan ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu wargeliyey arrintan.

Warkan oo markii hore uu weriyey wargeyska Wall Street Journal ayaa la filayaa in si rasmi ah loogu dhowaaqo Talaadada.

Qiimaha 78-ka diyaarad ee Sacuudiga iibsanayo ayaa lagu sheegay 37 bilyan oo dollar. Shirkadaha diyaaradaha ayaa badanaa hela qiimo dhimis aan la shaacin marka ay diyaarado badan dalbanayaan.

Shirkadda ay dowladdu leedahay ee Saudia iyo shirkadda cusub ee Riyadh Air ayaa labaduba heli doono diyaaradaha Boeing 787, sida ay sheegeen ilo-wareedyada.

Labada shirkad, oo si isku mid ah u qeybsan doonaa 78-ka diyaaradeed ee 787, ayaa sidoo kale haysta ikhtiyaar ay ku iibsadaan 43 kale.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa Axaddii si rasmi ah ugu dhowaaqay aas-aaska shirkadda Riyadh Air, ayada oo madax loogu dhigay Tony Douglas oo horey madax uga ahaa shirkadda Etihad Airways.

Riyadh Air ayaa qorshuhu yahay inay u duusho 100 goobood oo caalamka ah marka la gaaro 2030, ayada oo ka faa’iideysaneysa halka ay ku taallo boqortooyada, oo ah inta u dhaxeysa Asia, Africa iyo Yurub.

Shirkadda cusub ayaa la filayaa in dhaqaalaha Sacuudiga ku darto $20 bilyan oo aan aheyn dakhliga saliidda sanadkii, islamarkaana abuurto 200,000 oo shaqooyin cusub ah.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa eryaneysa hadafyo dhanka socdaalka oo damaaci ah, kuwaasi oo qeyb ka ah aragtida dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan ee “Vision 2030”, oo ay ku jirto in tirada rakaabka ee sanadlaha la saddex jibaaro oo 10 sano gudahood lagu gaarsiiyo 330 milyan.

Waxay sidoo kale dooneysa inay sanadkii gudbiso shan milyan oo tan oo xamuul ah.

Bishii November, saraakiisha Sacuudiga ayaa ku dhowaaqay qorshaha garoon diyaaradeed cusub oo laga sameynayo Riyadh, kaasi oo ku fadhin doona dhul 57 km oo isku wareeg ah, islamarkaana qaadi kara 120 milyan oo musaafiriin ah sanadkii marka la gaaro 2030, iyo 185 milyan, sanadka 2050.

Qaadka garoonka diyaaradaha ee hadda ka dhisan Riyadh, waa 35 milyan oo musaafiriin ah sanadkii.

REUTERS, AFP

XS
SM
MD
LG